Uncategorized

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. “Aniga oo kamid ah ardeyda jaamacadda Bosaaso- Garowe ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa ardeyda caawa qalin jebinaysa, Aniga iyo ardeyda aan isku fasalka nahayna waxaan rajeynayaa inaan maalinteena nabad ku gaarno. Waxaan idin kula talinayaa inaad shaqooyin raadsataan oo aad waxbarashada miraheeda gurataan anaguna ka dawlad ahaan inaan shaqo idiin abuurno ayaa naga go’an.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaaladda Puntland: Dr Mohamed Ali Farah “Anigoo ku hadlaya magaca aasaasayaasha jaamacadda waxaan u hambalyeynayaa ardeyda qalin jabinaysa, Waalidiintooda iyo maamulka jaamacadda oo lasoo dadaalay mudadii ay waxabarashada soo wadeen, Waxaa guul ah inaan maanta joogno qalin jabinta dufcaddii 6’aad ee jaamacadda. Ardeyda caawa qalin jabinaysa waxaa la sheegay in 48% ay hadda shaqeeyaan waxayna taasi ku tusaysaa aqoonta iyo xirfaddaha ay barteen waana arrin aad muhiim u ah iyadoo ay dalkii shaqo la’aan ka jirto.”

Guddoomiyaha Jaamacadda Bosaaso- Garowe Dr Mohamed Ali Mohamud: “Dhamaan ardeyda qalin jabinaysa waxay halkaan ku soo gaareen dadaal dheeri ah oo qofkasta uu naftiisa geliyay iyo shaqo adag oo uu qabtay, Waxay u dhabar adaygeen dhammaan culaysyadii waxbarashada mudadii ay jaamacadda dhiganayeen iyaga oo kasbaday Aqoon, Akhlaaq iyo Cilmi. Sidookale waxay ku hubaysanyihiin Dulqaad, Aqoon, Hal-abuurnimo, U fikirka si madaxbanaan iyo dhageysiga argtiyaha kasoo horjeeda”.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bosaaso- Garowe Dr Mohamed Ali Mohamud: “Dhamaan ardeyda qalin jabinaysa waxay halkaan ku soo gaareen dadaal dheeri ah oo qofkasta uu naftiisa geliyay iyo shaqo adag oo uu qabtay, Waxay u dhabar adaygeen dhammaan culaysyadii waxbarashada mudadii ay jaamacadda dhiganayeen iyaga oo kasbaday Aqoon, Akhlaaq iyo Cilmi. Sidookale waxay ku hubaysanyihiin Dulqaad, Aqoon, …

Guddoomiyaha Jaamacadda Bosaaso- Garowe Dr Mohamed Ali Mohamud: “Dhamaan ardeyda qalin jabinaysa waxay halkaan ku soo gaareen dadaal dheeri ah oo qofkasta uu naftiisa geliyay iyo shaqo adag oo uu qabtay, Waxay u dhabar adaygeen dhammaan culaysyadii waxbarashada mudadii ay jaamacadda dhiganayeen iyaga oo kasbaday Aqoon, Akhlaaq iyo Cilmi. Sidookale waxay ku hubaysanyihiin Dulqaad, Aqoon, Hal-abuurnimo, U fikirka si madaxbanaan iyo dhageysiga argtiyaha kasoo horjeeda”. Read More »